4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo eedaymo dhul ballaarsi ah usoo jeedisay Oromiya iyo Canfarta
 

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Shir jaraa'id oo uu maanta qabtay Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida Cali Samire Sigad ayaa waxa uu kaga waramay arrimo dhawr ah oo ku saabsan dhinaca xuduudda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay degaannada Canfarta, Oromiya iyo Diridhabe.

Cali Samire ayaa ugu horreyn sheegay oo caddeeyay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo mid dagaal oo ay wadaan Canfarta iyo Oromiya kaas oo ka socda dhinaca xuduudda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay degaannada Oromiya, Canfarta iyo Diridhabe.

Cali Samire waxa kale oo uu sheegay in degmooyin dhawr ah oo kamid ah gobolka Faafan uu ka jiro dhaqdhaqaaq uu ku sheegay inay wadaan Siyaasiyiin Oromiya ah " Dhinaca Tulli guuleed oo kamid ah gobolka Faafan gaar ahaan Maraar waxaa ka jira dagaal ay dad badani ku dhinteen, koox Siyaasiyiin ah oo Oromada ah oo dhul ballaarsi raba ayaa raba in biyo xidheen aan lagu heshiinin ka dhisaan Maraar oo kamid ah Tulli guuleed" ayuu yiri Cali Samire oo ah Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shacabka Oromadu ay yihiin dad wanaagsan, balse dhibka ay wadaan dad uu ku sheegay Siyaasiyiin Oromo ah oo dano kale wata.

Dhinaca kale gobolka Siti ee degaanka Soomaalida ayuu Masuulku sheegay inay iyadana ay dhibaato ka jirto, oo Canfartii ay weerar cusub soo qaaday " Labadii degmo ee dhawaan xukuumadda degaanka Soomaalidu u ansixisay gobolka Siti mid kamid ah oo Dhuunyar la yiraahdo waxaa haysta oo la wareegay Ciidamada Canfarta iyo jabhadooda" ayuu yiri Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida.

Sidoo kale degmooyin kamid ah gobollada Liibaan, Daawa, Erar iyo Afdheer oo dhamman xuduud la leh degaanka Oromiya, waxa uu Cali Samire sheegay in aaggaas uu ka jiro damac dhul ballaarsi ah oo ay wadaan Oromadu, waa siduu hadalka u dhigay Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida Cali Samire Sigad.

Ugu dambayn Cali Samire Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida waxa uu dhaliil usoo jeediyay Madaxda dowlad degaanka Soomaalida, oo uu sheegay in arrimahaa uu sheegay ay dhammaan xukuumaddu ka war haysay balse aysan wax jawaab ah oo ku haboon aysan ka bixin, waa siduu hadalkau dhigay masuulku.

Shirkan jaraa'id ayaa kusoo beegmaya xilli maalmahan ay jireen warar la isla dhexmarayay oo sheegaya inay colaad hor leh kasoo cusboonaatay dhanka xuduudda kala duwan ee degaanka Soomaalidu la leeyahay degaannada Oromada iyo Canfarta.

Waxaa xusid mudan in Shirkan jaraa'id oo uu qabtay Xafiis hoostaga dowlad degaanka Soomaalida, inaysan kasoo qayb galin Warbaahinta ay maamusho dowlad degaanka Soomaalidu, halka ay si wada jir ah uga soo qayb galeen Shirkan jaraa'id Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka howlgasha degaanka Soomaalida.