4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Ciidamada Kenya oo dilay saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) - Saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayay Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ku dileen Sarira oo u dhow xadka Lamu iyo Soomaaliya.

Arintaan ayaa timid wax yar kadib markii saddexda qof ay waddada ku xireen qarax uu dulmaray gaari biyo siday oo ay waxyeelo kasoo gaartay dadkii saarnaa.

Afhayeenka ciidamada difaaca Kenya. Sarreeye Guuto Zipporah Kioko ayaa xaqiijisay, iyadoo intaas ku dartay in laba maleeshiyo iyo hogaamiyahooda lagu dilay howlgalkan oo dhacay khamiistii shalay.

Waxay sheegtay in saddexdaasi qof ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan (SF) oo roondo ka waday deegaanka Lamu.

Sarira waa qayb ka mid ah aagagga hawl-galka amniga ee Amani Boni.

Sarreeye Guuto Kioko ayaa sheegtay in dhowr nooc oo hub ah, oo ay ku jiraan laba qori oo AK47 ah, laba raadiye, iyo saddex joornaal la qabtay intii lagu jiray howlgalka.