4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 200 Shabaab ah in lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Iji

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Hiiraan lagu dilay in ka badan 200 oo Shabaab ah.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in dagaalkan lagu dilay horjoogeyaal katirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo kala ah;

Salaad Maxamuud Siyaad, oo Shabaab u qaabilsanaa waxay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Shabeellada dhexe iyo ku xigeenkiisa Xuseen Dheere. Sidoo kale waxaa kamid ah horjoogayaasha lagu dilay dagaalka Iji, Yuusuf Cali Sheikh, oo lagu sheegay inuu Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellada dhexe.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa, Sandheere oo Shabaab u qaabilsanaa waxa loo yaqaano Xisbada, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Alcaddaala.

Alcaddaala wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay maxaabiis qaba dhaawacyo culus, hub fara badan oo gaaraya illaa 300, iyo sidoo kale daawo iyo raashin.