4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Al-shabaab looga dilay howlgaladii ugu dambeeyay ka dhacay dalka
 

Arbaco, February, 15, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac oo Maanta shir jaraa'id ugu qabtay Warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan ka socda afar ka mid ah maamul goboleedyada dalka in dowladda ay ku dishay in ka badan 200 oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

“Ciidanka Xoogga dalka waxay guulo horleh ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaariijta Al-shabaab. Howlgal ay ciidamada SNA ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug waxay ku dileen ku dhawaad 120 ka tirsan Al-shabaab, tiro kale oo badana halkaas ayaa lagu dhaawacay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in howlgal kale oo ka dhacay isla gobolka Mudug oo ay ka qeybqaateen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa maamulka Galmudug ay Al-shabaab uga dileen 50 xubnood, islamarkaana looga qabsaday deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Gabagabadii Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in howlgal kale oo qorsheysan ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose in lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Hadalka wasiirka Warfaafinta ayaa imaanaya, iyadoo howlgalada ka dhanka ah kooxda Shabaab xoogooda ay haatan ka socdaan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug oo Al-shabaab looga qabsaday meelo badan oo ay horay uga talin jireen.