4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Shacabka dowlad degaanka Soomaalida waxay si buuxda u diideen fikirka Al Shabaab"
 

Arbaco, February, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo soo xidhay Kal-fadhigii 4aad golihiisa lixaad ee Xildhibaannada degaanka Soomaalida oo maalmihii u dambeeyay kasocday magaalada Jigjiga, ayaa Madaxweynuhu waxa uu warbixin buuxda ka siiyay xildhibaannada warbixinta waxqabadka xukuumadda ee lexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xusay in degaanka Soomaalida lexdii bilood ee lasoo dhaafay wax badan laga qabtay dhinaca sugidda amniga, iyadoo dhinaca la dagaallanka kooxda Al Shabaab guulo waawayn laga gaarey, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

" Shacabku waxay si buuxda u diideen fikirka Al Shabaab, waxay dhiiggooda iyo xoolahooda u hureen difaacidda dhulkooda, haddana waxaa lasii wadaa feejignaanta iskudayada Al Shabaab, si looga hortago hagardaamooyinka kooxda Al Shabaab, iyadoo lagu guulaystay in la xakameeyo dhibaatooyinkooda oo ay iyaga ku ekaato", ayuu yiri Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Dhinaca galbeedka gobolka Siti ee degaanka Soomaalida Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay sugan tahay amniga shacabka deggan aaggaas, waxa intaa kasoo hadhayna uu yahay dacaayadaha baraha bulshada la dhex wado, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhanka arrimaha Cadaaladda, isla xisaabtanka dowladda, Dakhliga iyo dhammaystirka mashaariicaha hormarineed oo dhammaantood galdaloolooyin ay ka jireen Madaxweynuhu waxa uu sheegay in iyagana la saxayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in dhammaan waxqabadka xukuumadda ee bilihii lasoo dhaafay aan la odhan karin boqolkiiba boqol waa la qabtay ama way dhammaystirmeen, balse waxa uu sheegay in isbaddel fiican uu jiro marka la eego meeshii laga soo bilaabay iyo hadda halka la marayo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Gabagabadii Kalfadhigan ayaa waxay xildhibaannadu ansixiyeen guddi ka kooban 7 xubnood oo ka shaqayn doona ururinta tacaddiyadii degaanka ka dhacay iyo xal u raadintooda.