4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 13, 2023
Dagaal culus oo xilligan habeenka ah ka socda magaalada Laascaanood
 

Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC ayaa caawa ka socda goobihii labada ciidan isku hor fadhiyeen ee magaalada Laacaanood ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii la sheegay inay ciidanka Somaliland caawa madaafiic ku garaaceen gudaha magaalada taasoo keentay inuu dhaco dagaal fool ka fool ah xilligan habeenka ah.

Weli lama sheegin khasaare ka dhashay dagaalka oo weli socda, balse daryanka hubka cul culus ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa la arkayay madaafiic ku dhacaysa guryaha dad shacabka ah ay daggan yihiin.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in madaafiicdii ugu cuslaa caawa lagu soo ridayo magaalada xilli dadku hurdo isu diyaarinayeen.

Garaadku qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay weerarada nuucaan ahi in ay sii yaraynayaan rajo kaste oo mustaqbalka laga qabo xiriir wada hadal ay la yeeshaan Somaliland.

Isimada dhaqanka SSC ayaa sheegay in ay difaacayaan magaaladooda, wax wada hadal ahna aysan galeen inta ciidanka Somaliland ay joogaan gobolka Sool.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo xilli habeen ah uu Laascaanood ka dhaco dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo SSC tan iyo intii qalalaasuhu bilowday.