4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Kampala kaga qeybgalaya shir Muhiim ah

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.

Madaxda ayaa shirkaan kaga arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhamaadka sanadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo kooxda Alshabaab.

"Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in shirkaan uu ka furmo magaalada Kampala, kaasoo ay ka qeybgakayaan madax ka kala socota dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Burundi iyo Uganda oo shirka marti galineysa.

Shrkaan ayay madaxda dalalka ciidamadooda ay Soomaaliya joogaan waxay qiimeyn ku sameyn doonaan guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka ciidanka ATMIS iyo dib u eegista qorshaha dhimista ATMIS iyadoo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-ka.