4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2023
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in boqolaal Soomaali ah oo ka cararay colaadda Sudan ay gareen xadka Ethiopia

Talaado, April, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dad gaaraya 200 qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed ay gaareen xadka ay wadaagaan Suudaan iyo Ethiopia.

Ku simaha xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda, Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay in dadkaasi oo kasoo cararay colaadaha Suudaan loo gudbindoono Ethiopia.

Xoghayuhu wuxuu sheegay dadkan iyo kuwa kaloo gaaraya ku dhawaad 150 muwaadin in loo diyaarinayo hannaankii dalka dib loogu soo celin lahaa. Wuxuu sheegay in diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ay wadaan dadaalo lagu samatabixinayo muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Sudan.

Cabdiraxmaani Diinaari wuxuu tilmaamay in Dowladda Koonfurta Suudaan ay muwaadiniinta u furtay xadkeeda, halkaas oo uu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay dad badan ay gaareen, wuxuuna arrintaas ku ammaanay safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Eng, Camey iyo qunsulka guud.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida ku hartay magaalada Khartoum inay isdaabulaan oo isku diyaariyaan sidii looga soo saari lahaa dalka Suudaan. Waxay dowladdu sheegtay in xaaladda Suudan ay u muuqato mid kasii darayso, dagaaladuna ay sii xoogaysanayaan.