4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Walaac xoogan ka muujisay xaalada ka taagan dalka Suudaan

Isniin, April, 24, 2023 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Xaquuqda Muhaajiriinta iyo Caruurta Maryan Xaaji Yuusuf ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada deg deg ah ee ka taagan wadanka Suudaan.

Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Xaquuqda Muhaajiriinta iyo Caruurta ayaa lagu sheegay in xaalada deg dega ah ee ka taagan Suudaan iney ku barakaceen qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo arday oo ay ka mid yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

“Xafiiska waxa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso. Ergeygu waxuu sidoo kale qirayaa doorka muhiimka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo xiriir dhow oo ay la leedahay Safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Abshir Cumar" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda Muhaajiriinta iyo Caruurta Maryan Xaaji Yuusuf.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Maryan Xaaji Yusuf ayaa ku boorisay beesha caalamka iney taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan dalka Suudaan, gaar ahaan Carruurta iyo qoysaska lagu qasbay iney ka barakacaan guryahooda.

Saacadahii lasoo dhaafay waxaa dalka Suudaan laga daad gureeyay Ajaanib badan, kadib markii xaaladda halkaas ka jirta ee dhanka amniga ay sii korortay, waxaana la xaqiijiyay in dagaalada u dhaxeeya labada Ciidan ay kala wataan Jenaraal Cabdifitaax iyo Jenaraal Daqalo iney sababeen dhimashada ugu yaraan 420 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan sida ay sheegeen urur ay ku mideysan yihiin Dhakhaatiirta wadanka Suudaan.