6/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Maxkamadda Muqdisho oo hay’ad caalami ah ku heshay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda haweenka shaqaalaha
 

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Haweenay ka mid ahayd shaqaalaha hay’adda samafalka ee Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC), ayaa sharciga la tiigsatay hay’adda, kaddib markii ay sheegtay in shaqadda looga joojiyay sifo sharci darro ah bartamihii sannadkii 2020-kii, xiligaasi oo cudurka COVID-19 uu mararay heer sare.

Nasra, ayaa ahayd Isuduwaha Maamulka iyo Xuquuqul Insaanka ee hay’adda (IRC), oo ah hay'ad samafal oo caalami ah oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.

Nasra ayaa sheegtay in shaqada looga joojiyay sababo la xiriira uurkeeda, balse go’aankeeda ayaa iftiimiyay dheelitir la'aanta awoodda ee haweenka ay kala kulmaan goobta shaqada.

“Bishii June, xili aroornimo ah waxaa isoo wacay maamulaheyga, kaddibna wuxuu ii sheegaty in aan is casilo ama uu joojin doono heshiiskeyga (contract). Aad ayaan ula yaabay, kaddibna waxaan ugu jawaabay in sabab la’aan aan la igu cabsigelin karin xili lagu jiro marxaladda adag ee cudurka COVID-19. Labo maalin kaddib waxaa uu iisoo diray warqadii shaqadda la iiga joojiyay,”ayey tiri.

Si kasta ha ahaatee, Nasra ayaa hay’adda la shaqeyneysay muddo saddex sano iyo bar ah, balse shaqo ka joojinteedii lama filaanka aheyd ayaa naxdin ku reebtay. Waxaa ay intaasi raacisay in dhammaan email-ladeeda shaqalada laga xiray, taas oo u suuragelin weyday in ay la xiriirto madaxdii sarre ee hay’adda.

Nasra oo ahayd haweeney uur leh oo wayday isha kaliya ee ay ka heli jirtay dhaqaalaha, ayaa raadisay la-talin sharci ah, iyadoona qaadatay go’aan adag oo ay ku doonayso in ay maxkamad ku gayso hay’addii shaqaaleysiisay.

Intaasi kaddib, Nasra ayaa cabashadeedii u gudbisay guddiga xallinta khilaafaadka ee loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Soomaaliya.

Sharcigii shaqada ee Soomaaliya ee soo baxay sannadkii 1972 ayaa mamnuucaya in shaqaallaha looga ceyriyo shaqada sababo la xiriir marxaladda uurka.

Warbaahinta Hiiraan Online ayaa heshay nuqul ka mid ah go’aankii guddiga shaqada ee bishii December 2020, kaas oo lagu oggaaday in hay’adda IRC ay sifo sharci darro ah ay shaqada uga joojisay Nasra. isla markaana hay’adda lagu amray inay bixiso inta ka harsan qandaraaska Nasra oo ay u dheer tahay magdhow iyo ganaax.

Nasra ayaa Hiiraan Online u sheegtay in IRC ay jabisay siyaasaddeeda dulqaad la'aanta ee ka dhanka ah xadgudubyada galmada iyo xadgudubyada ka dhaca goobaha shaqada.

Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC) ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka maxkamadda shaqaalaha ee gobolka Banaadir. Bishii Febraayo 2022, sanad kaddib dhageysigii sharciga ahaa, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa taageertay go'aankii guddiga ee bishii Febraayo 2022, iyadoo haddana mar kale cadeysay dacwada Marwo Nasra.

Maxkamaddu ayaa xukuntay in shaqadii laga joojiyay Marwo Nasra ay aheyd sharci darro marka loo eego xeerarka shaqada iyo madaniga ah ee Soomaaliya. Maxkamada ayaa ku amartay hay’adda IRC in ay Nasra siiso xuquuqdeeda inta ka dhiman heshiiskeeda iyo magdhowga qarashka sharciga ah ee ay gashay.

Nasra ayaa sheegtay in rag kamid ah qoyskeeda ay ku cadaadiyeen in ay ka tanaasusho dagaalka sharci ee ay kula jirtay hay’adda IRC maadaama ay adag tahay in la shaqaaleysiiyo. Raggaasi ayaa ku booriyay inay aqbasho laaluush yar si ay uga noqoto kiiska.

Nasra waa la cafin lahaa haddii ay aqbasho dalabka maadaama la og yahay in ay adag tahay in la dhaqan geliyo xukunnada maxkamadaha ee Soomaaliya. Natiijo ahaan, kaliya 5% shaqaalaha ayaa dacwooyin sharci ah ka gudbiya loo shaqeeyahooda. Caqabadaha dhaqaale, iyo sidoo kale cadaadiska qoyska iyo bulshada, ayaa sidoo kale gacan ka geysta naxariis darada iyo xadgudubka ka dhanka ah xuquuqda shaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, Nasra ayaa sheegtay in ay ka go’antahay inay u dagaalanto sidii ay xuquuqdeeda ku heli lahayd, iyadoo mareysa nidaamka sharciga ah.

“Waxaan rajeynayaa in dagaalkeygii sharciga ahaa ee aan kaga hortagayay cadaalad-darrada ay dhiirri-gelin ka heli doonaan haween badan oo cadaalad-darradaas ay ku dhacday oo raadinaya xuquuqdooda. Sharciga shaqada Soomaaliya wuu jiraa, wuxuuna u yaallaa inuu ilaaliyo xaqa aad leedahay shaqaalo ahaan. Qofna ha u oggolaanin in uu awoodiisa u isticmaalo in uu ku xadgudbo xuquuqdaada," ayay tiri Nasra.

Nasra iyo qareenkeeda ayaa aaminsan in dowladda federaalka Soomaaliya ay wax badan ka qaban karto ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, gaar ahaan hay’adaha samafalka ee caalamiga ah.

“Kiiskan wuxuu indhaheena u furay xadgudubyada lagula kacayo shaqaalaha Soomaalida ee la shaqeeya hay’addaha samafalka. Waxaan ku talin lahaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameyso hay’ad madax-banaan oo nidaamisa hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya si loo xakameeyo dhibaateynta aan loo meel dayin ee lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu ku taliyay Maxamed Weli oo ka tirsan Garmaal Law Firm.

Dagaalka Nasra ee ay ku raadineyso caddaaladda weli ma dhammaan. Muddo ku dhow laba sano oo uu socda dagaalka maxkamadda, Nasro ayaa oggaatay in IRC ay racfaan ka qaadatay go’aankii maxkamadda gobolka Banaadir ay u gudbisay maxkamadda sare ee Soomaaliya. Nasra ayaa hadda ka werwersan in ay sannado qaadato ka hor inta aanay xuquuqdeeda ka helin hay’adda IRC.

"Waxaan rajeynayaa in dacwaddu si dhaqso ah u dhammaato. Waa wax laga xishoodo in IRC ay weli diidantahay inay qirtaan inay si sharci-darro ah shaqadda iiga joojiyeen keliya in aan uur leeyahay. Waxaa ay rabaa inay dacwadda ku sii wadaan sabab la'aan. Cadaaladda ha guuleysto insha'allah,” ayey kusoo gabo-gabeysay hadalkeeda.

Hiiraan News Desk
Kenya, Nairobi












Click here
9/19/2022 4:51 PM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga Soomaaliya gaar ahaan guutada Shanaad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay 5 ka tirsan Alshabaab.

9/19/2022 11:21 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritariya ayaa beenisay warar maalmo ka hor lagu baahiyay Warbaahinta caalamiga ah, taas oo lagu sheegay inay heegan gelisay Eritariya ciidamadeeda militeriga ah, iyo inay u yeertay ciidamadeeda keydka ah oo ay ku amartay inay soo diyaar garoobaan, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidan ee u dhaw.

9/19/2022 11:14 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka tiirka xoreynta iyo sugida amniga, kaasoo looga hadlay howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.

9/19/2022 11:08 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya marka ay kursiga yimaadaan ay u tafo xaytaan dhibaataynta Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh-na uu wadadii maray.

9/19/2022 10:29 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Odeyaasha dhaqanka ee maamulka Galmudug oo uu kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib u heshiisiinta, xasilinta deegaanada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta qorsheyaal ay ku doonayaan iney isaga hor keenaan beelaha Soomaaliyeed.

9/19/2022 7:53 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada siyaasada.

9/19/2022 5:18 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Waxaa sii korortay tirada dhimashada kooxda Al-Shabaab ee kasoo gaaray howgalka ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawisleyda ka wadaan deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

9/19/2022 4:05 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab.

9/19/2022 12:43 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macaawisleyda ayaa ku dhawaad 50 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dilay meel u dhow degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.