4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax haleelay gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska magaalada Baledweyne, gaar ahaan kuwa miino baarista xili uu maraayay wadada laamiga ah ee isku xirta gudaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Gaariga ayaa la sheegay inuu qaraxa ku qabsaday Xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur Xawaad, lamana oga in qaraxa uu ahaa mid dhulka ku aasna iyo mid gaariga qarxay horay ugu xirnaa, waxaana waxyeelo kasoo gaartay sadax askari oo ka mid ahaa ciidankii saarna gaariga.

Ciidanka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa miino baarista ah ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Baledweyne, waxaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin Xaafada Ceeljaalle ee Magaalada Baledweyne.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Baledweyn oo ku aadan qaraxa haleelay gaariga ay saarnayeen ciidanka miino baarista ee ku qarxay Xaafada Xaawo taako ee magaalada Baledweyne.