4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in xisbiyada hada joogaa ay ku meel gaadh yihiin
 

Sabti, September, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, uu wakhtigoodi dhamaaday oo ay yihiin xisbiyo kumeel gaadh ah, isla markaana ay tartanka ka hadhayaan hadii anay sharciyadooda keenin 28 bishan.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay arday ka baxday Jaamacada Timacadde ee magaalada Gabilay, ayaa sheegay in xisbigii aan sharciyadii soo xerayn 28 bishan, uu ka hadhayo tartanka oo saaxada ka baxayo sidii ku dhacday xisbigii mudada dheer talada Somaliland hayay ee UDUB.

"Saacadaa aanu joogno waxaanu nahay xisbiyo kumeel gaadh ah, saddexda xisbi waxa laga rabaa bishan  aynu ku jirno 28 keeda in ay keenaan sharciyadoodii oo dhan, dhismahoodii, guddidii fulinta, golihii dhexe, xeerka ay ku kala baxaan ... xisbigii keeni waayaa halkaasuu ku hadhayaa, sidii xisbigii udub waana sharci" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu kasoo horjeestay soojeedintii guddida ganacsatada, isaga oo sheegay in anay suuragal ahayn in laysku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada, waxa uu sheegay in marka hore la dooranayo saddex xisbi kadibna ay madaxweyne u tartami doonaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xisbiyada muucaaradka ay isku hayaan urrurada hala furo iyo yaan la furin, iyo hadii la furo yaanay galin doorashada madaxweynaha iyo ha galaan, isaga oo sheegay in aanu ka baqanayn in uu tartan la galo Waddani iyo UCID.

"Qodobka ay maanta aad uga damqanayaan waxa weeyaan urrurada yaan la furin, hadii la furana tartanka madaxweynaha yaanay ka qaybgalin, hadaanu cid siyaasad isku hayno, hadii aan cid ka baqanayo oo aan leeyahay yayna kula tartamin Gaboose iyo Axmed Ismaaciil Samatar ayuunban iska fogayn lahaa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in aan madaxweyne fiican la helayn, hadii aan xisbiyo fiican la helin, sidaa daraadeedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xisbiyo lasoo saaro, oo sidaa taladii kusoo urrurtay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]