4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2022
Dowladda Mareykanka oo soo saartay cunaqabateyn ka dhan ah ururka Daacish ee Soomaaliya
 

Arbaco, November, 2, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa soo saaray cunaqabateyn ka dhan ah ururka Daacish ee Soomaaliya, isagoo magacaabay xubno ka tirsan kooxda Daacish iyo shabakad lagu eedeeyay inay ku lug leedahay hubka gacanta u gala kooxaha argagixisada.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa qaadday tallaabadii ugu horeysay ee ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya, iyadoo cunaqabateyn ku soo rogtay 7 shaqsi iyo shabakad la sheegay inay xiriir laleedahay Alshabaab.

Cunaqabataynta ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii weerar khasaare badan dhaliyay uu ka dhacay Muqdisho, halkaas oo labo qarax oo ismiidaamin ay ku dhinteen in ka badan 120 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 330.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddooda.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in shabakadaha maaliyadeed ee Shabaab iyo Daacish ay isku xiran yihiin.

“Shakhsiyaadka iyo hay'adaha la magacaabay maanta waxay udub-dhexaad u yihiin shabakad ka ganacsata hubka oo aad ugu dhow Daacishta Soomaalia," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Maaliyadda.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in shabakadahani inay inta badan ka shaqeeyaan inta u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya waxayna tilmaamtay inay xidhiidh adag la leeyihiin al-Qaacidada Jasiiradda Carabta iyo Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in maamulka Biden uu kordhiyay tallaabooyinka lagu cuuryaaminayo maalgelinta Alshabaab iyo Daacish.