4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u furayso dusgiyada ku yaallay degaanadii laga saaray Al-Shabaab
 

Khamiis, November, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in ay dib u furto Iskuullada ku yaalla degaanadii dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay waddo qorshe waxbarasho lagu geynayo goobaha ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla bartamaha Soomaaliya tan iyo bishii Ogosto.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u kaceen inay taageeraan dowladdooda, dhul baaxad leh ayaa la xoreeyay, Dugsiyadii baan dib u furaynaa, manhajkiina halkaas ayaannu geyn doonnaa, macalimiinna waan u diri doonnaa,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo wareysi uu siiyay VOA-da.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay horay agab Iskuul ugu dirtay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo xudun u ahaa duulaanka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Balanqaadka wasiirka ee ah in dib loo soo nooleeyo waxbarashada goobaha lagala wareegay Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmay ku dhawaad saddex toddobaad kadib markii laba qarax oo xiriir ah Al-Shabaab ay la beegsatay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya halkaas oo ay ku dhinteen 121 qof, in ka badan 330 kalena ay ku dhaawacmeen.