4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Dowladda Mareykanka oo si adag uga hadashay weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Ceelbaraf
 

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaareysay weerarkii 3-dii bishaan ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka sh/dhexe, kaasoo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Burundi ee ka mid ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaankaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xerada ay ku leyihiin deegaanka Ceelbaraf, kaasoo ay geysteen ururka Al-Shabaab.

Waxuu intaasi ku daray Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi, islamarkaana ay si weyn uga xun yihiin weerarkii lagu dilay askarta ka tirsan ciidanka Burundi.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay ka go'an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Talaadadii lasoo dhaafay Saldhiga ciidamada Burundi ee deegaanka Ceelbaraf ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 30 askari waxaana kaga dhaawacantay 20 meeyo kale, sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaal ka tirsan ciidanka Burundi, hayeeshee Al-shabaab ayaa dhankooda sheegatay iney weerarkaasi ku dileen 173 askari oo ka mid ahaa ciidamada Burundi ee ku sugnaa Saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online