4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Puntland oo digniin u dirtay dad qalqal galin amni iyo barakacin ka wada magaalada Boosaaso
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Taliyaha booliiska gobolka Bari gaashaanle sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa digniin u jeediyay dad u sheegay in ay shacabka Boosaaso ku abuurayaan qalqal galin amni iyo barakacin labaad oo looga faa’idaysanayo dano dhaqaale.

Taliyaha ayaa sheegay in xalay magaalada Boosaaso lasoo galiyay war ku saabsan in ay dowladdu weerarayso ciiddanka PSF Puntland, arrintaas oo uu taliyuhu ku tilmaamay mid been abuur ah oo lagu doonayo in dadka lagu cabsi galiyo, si loogu qasbo barakac.

Taliyaha ayaa sheegay in ay arrinta Boosaaso marayso meel wanaagsan islamarkaana aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo in dagaal dambe uu ka dhaco magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa haatan waxaa ku sugan ergooyin nabadeed oo isugu jira siyaasiyiin iyo cuqaal isku xilsaaray sidii ay xal nabadeed ugu dhamayn lahaayeen khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay’adda ciiddanka PSF.

Ergooyinka nabadeed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay Isimada Puntland ee horey go’aamada ugasoo saaray colaadda Boosaaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online