4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 31, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay dhaqangalka miisaaniyadda dowladda ee 2023
 

Sabti, December, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa saxiixay dhaqangalka miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay wasaaradda maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta sida uu sheegay miisaaniyad waafaqsan hiigsiga horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Miisaaniyadda ayaa sanadkan ah $973,985,805. waxaana ka muuqda koror, marka loo barbar dhigo sannadkii hore.

172 xildhibaan oo katirsan labada aqal ee barlamaanka, ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay, mana jirin cid diiday.

Dowladda Soomaaliya ayaa miisaaniyadda sanadkan u kordhisay xarumaha danta guud sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo amniga.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay, dhaqaalaha Soomaaliya inuu u socdo meel kore, isagoo xusay sannadka cusub ee 2023 inuu dalku ku tallaaabsanayo labo kaclayn dhaqaale.