4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 21, 2022
Darwalka Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka oo ku biiray kooxda Al-shabaab
 

Arbaco, December, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay cod maalmahii lasoo dhaafay si weyn warbaahinta iyo baraha bulshada u dhex socday oo la xariiray mid ka mid ah darawaladiisa oo Al-shabaab ku biiray.

Wuxuu sheegay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in darawalkiisa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamad Xasan uu ku jiro haatan gacanta Ururka Al-shabaab, hayeeshee wuxuu tilmaamay inuusan rumeysneen in rabitaankiisa uu ku tagay halkaas oo codkiisa laga dheehan karay qalqal xoogan.

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sido kale sheegay in ninkan darawalka ah uu markii hore kasoo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya uu xilligaas wasiir ka ahaa, isagoona xusay inuu ka mid ahaa ninkan darawalo ay dowladda mareykanka u tababartay Wasaaradda Gaashaandhiga.

"Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhiga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya, ninkaas Xuseen ah ilaa 4 sano ayuu ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo uu halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga oo ay quseyso arintaasi” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Mursal.

Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in ninkaan uu gurigisa ka tagay laba maalin ka hor, hayeshee ay ku wargeliyeen hay'adaha amaanka maqnaashahiisa.

"Laba maalin ka hor ayuu guriga ka tegay, hal maalin marka uu maqnaadayna, waxaa loo sheegay qolada amniga” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Mursal.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar aan la xaqijinin oo sheegaya in ninkaan darawalka u ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan inu ka mid noqday rag lagu tuhmayo weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Rays oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka hay'addaha amaanka ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdada ninkaan darawlka u ahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu uga mid noqday kooxda Al-Shabaab.