4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Turkiga oo xiray nin Soomaali ah oo barta TIKTOK ku faafiyay muuqaal isagoo jeex jeexaya lacagta dalkaas
 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Dowladda Turkey ayaa xirtay nin Soomaali ah oo bartiisa Tiktok soo galiyay muuqaal ku saabsan isagoo jeex jeexaya lacagta dalkaas.

Muuqaalkaan oo aad u dhex wareegaya barta Tiktok ayaa waxaa si weyn caro uga muujiyay shacabka Turkiga, kuwaas oo si xooggan uga sameeyay falcelin caro leh.

Ninkan Soomaaliga ah ee la xiray ayaa la sheegay inuu ka yimid oo haysto dhalashada waddanka Finland. Falka uu ku kacay ayaa laga yabaa inuu saameyn u geysto Soomaalida ku nool dalka Turkiga.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof.

Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn.

Sanadihii ugu dambeeyay Turkiga ayaa il gaar ah ku eegayay Soomaalida ku sugan dalkiisa. Qaar badan oo kamid ah ayaa dalkaas lagasoo tarxiilay, iyagoo lagu eedeeyay inay sharci darro ku joogeen.