4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan magaalada Baledweyne
 

Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeyay ugu ambabaxo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, tan iyo markii loo doortay xilka Raysal wasaarenimo.

Raysal wasaaraha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ee Maanta uu ka duulo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo qabanqaabo loogu jiro soo dhaweyntiisa laga dareemayo Maanta magaalada Baledweyne, waxaana safarkiisa qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeeda safarka Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay inuu yahay mid la xiriira u kuur galida xaaladdaha ka jira gobolka Hiiraan ee dhinaca abaaraha iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolkaasi.

Baledweyne waxaa maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa madaxda ugu sareysa Hirshabeelle iyo masuuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.

Raysal wasaaraha ayaa markuu tago Baledweyne waxa uu kulamo kala duwan  la yeelan doona madaxda Hirshabeelle, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baledweyne, isagoo ka xog wareysan doona xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto oo muhiim u ah deegaankaasi.

Amaanka guud ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa Maanta aad loo adkeeyay, halkaasi oo la filayo iney goordhaw gaaraan Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa.