4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Itoobiya oo sheegtay inay soo riday Diyaarad hub u siday kooxda TPLF

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay soo riday Diyaarad Ciidan oo ay ku sheegtay dowladdu inay hub u waday kooxda TPLF, ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

Major General Tesfaye Ayalew, oo ah Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Militariga Itoobiya ayaa Sheegay inay Diyaaraddu kasoo gudubtay dhinaca dalka Sudan ee deriska la ah Itoobiya.

Dhinaca kale Ridwaan Xuseen oo ah la taliyaha Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ee dhinaca Amniga ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka uu soo dhigay maanta waxa uu sheegay in diyaaraddaasi lasoo riday ay lahaayeen cadowga Itoobiya, kuwaas oo caan ku ah inay dalkan Itoobiya wiiqaan.

La taliyuhu ma carabaabin dalka uu ula jeeddo hadalkaas.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay dalka Itoobiya, sidoo kale Kooxda TPLF iyaduna weli ka maysan hadlin arrintan.

Tallaabadan ayaa ku soo hagaagaysa xilli maanta uu mar kale dagaal dib uga qarxay dowladda Itoobiya iyo Kooxda Tigrey.