4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Dowladda Itoobiya oo Kooxda TPLF ku eedeysay inay dagaalka iyadu bilowday
 

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa TPLF ku eedeysay inay saaka iyadu billowday dagaalka, iyadoo weeraro kusoo qaaday xuduudda dheer ee gobolka Tigray la wadaago degaanka Axmaarada.

Haddaba War saxaafadeed ay dowladda Itoobiya soo saartay duhurnimadii maanta ayay ku sheegtay in Kooxda TPLF saaka weerar saf balaadhan ah bilaabeen, kuna qaadeen magaalooyin dhaca xuduudda Axmaarada iyo Tigray.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heegan buuxa la galiyay ciidamada dowladda Itoobiya, isla markaana ciidanku ay diyaar u yihiin iska caabinta weerar kasta oo kaga yimaadda dhinaca TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa war saxaafadeedkan ku xustay inuu jabay rajadii laga qabay wada hadal dhex mara dowladda iyo Kooxda TPLF.

War saxaafadeedkan ay soo saartay dowladda Itoobiya ayaa kusoo hagaagaya saacado kaddib markii ay saaka ay TPLF sheegtay in Ciidamada dowladda Itoobiya oo kaashanaya kuwa degaanka Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada ay weerar kusoo qaadeen Koonfurta gobolka Axmaarada.

Dagaalkan ayaa horseedi kara cabsida laga qabo xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka Tigray, oo ah mid ay ka jirto wakhri xaadirkan xaalad bani'aadamnimo middii ugu darnayd.