4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku wajahan Puntland
 

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dowladda federalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Wafdigan uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ayaa horudhac u  ah safar madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud uu ku imaandoono magaalada Garowe.

Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Xasan Sheikh uu kusoo wajahan yahay Puntland, isagoo safarkii ugu horreeyay ku tagidoona tan iyo markii bishii May loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo la filayo in berri oo khamiis ah ka dago Garowe, ayaa la sheegay inuu xaddiday wafdiga socdaalkiisa ku wehelin doona, si loo beeqaamiyo dhaqaalaha safarkaas ku baxaya, iyadoo lala-xiriirayo xaaladda abaareed ee dalka.

Socdaalka madaxweynaha waxaa salka ku haya wada shaqaynta dowladda federalka iyo Puntland.

Socdaalka Xasan Sheikh ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli horey loo hadal hayay socdaal uu Garowe ku imaan lahaa raysal wasaare Xamse, kaasoo la sheegay inuu baaqday.