4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Wasiirka Gaashaandhiga “Qof Al-shabaab ku hoos nool oo xor ah ma jiro, Ilmihiisa iyo gabadhiisa xor uma aha oo waa laga kaxeysanayaa"
 

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa Xalay booqasho dhiiragalin ah waxay ugu tageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhawaan la wareegay deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa amaan iyo bogaadin kadib waxa uu uga digay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiissleyda in Al-Shabaab dib uga qabsato deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan, isagoona sheegay in dhalinayrada deegaanka ee Macawiisleyda ay hubka iyo saanadda ciidan la isticmaalayaan ciidamada dowladda maadaama ay isku ujeedo yihiin.

“Qof Al-shabaab ku hoos nool oo xor ah ma jiro, Ilmihiisa xor uma aha oo waa laga kaxeysanayaa, Gabadhiisa oo waa lagu hor kaxeysanayaa, taasina ma ahan mid uu ku noolaan karo qof damiir leh, waxaa tihiin Mujaahidiin dhab ah waa inaan ku dadaalna sidii Shabaab aan uga citibtiri laheyn deegaanka iyo guud ahaan dalkaba” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii Mustaqbalka dhalinyarada deegaanka ee la dagaalameysa Al-shabaab looga dhigi lahaa askar qaran si ay u gutaan waajibaadka ka saaraan nabadgalyada deegaanadooda iyo dalka.

"Waajibaadka na saaran waa in la helo wax weliba oo aan awoodno oo ay ugu horeyso in Mustaqbalka ciidamada qaranka Soomaaliyeed ka mid noqotaan, ciidanka idin kama hagran doonno hubka, rasaasta, raashin iyo gaadiidka uu hayo, adinka waajibka idin saaran waa in deegaankaan iyo deegaannada lamid ah in aysan kusoo laaban Shabaab" ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Dhiiraglinta Wasiirka Gaashaandhiga uu u sameeyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa imaaneysa xili ciidamadaasi iskaashanaya bilahii lasoo dhaafay ay howlgalo xoogan ka wadeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas, islamarkaana ay kula wareegeen gacan ku heynta in ka badan 10 deegaan oo Shabaab ka talin jireen.