4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Al-shabaab oo lix ruux ku toogatay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya barow ee gobolka Sh/hoose
 

Isniin, Agoosto, 22, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lix ruux ku toogatay fagaare kuyaala deegaanka Kuunya barow oo ah deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, kuwaas oo ay ku eedeyeen jaajuusnimo.

Lixda ruux ee toogashada ay ku fuliyeen Al-shabaab ayaa dhamaantood ahaa rag kuwaas oo ay ku sheegeen iney ahaayeen rag jaajuusiin u ahaa dowladda Mareykanka, islamarkaana ay ka dambeeyeen duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Fagaaraha lagu toogtay lixda ruux ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal ka mid  ah shacabka ku nool deegaanka Kuunyo baroow, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay usoo daawsho tagaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Ragga Al-Shabaab goobta fagaaraha ah ku toogteen oo u badan dhalinyaro ayaa laga soo qabtay deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin, Aweys Aadan Xassan (Dalabey), Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol), Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow, Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir, Maxamad Sheekhey barrow, iyo Xassan Cumar Murjaan oo loo yaqaano (Xassan Garre).

Al-shabaab ayaa inta badan deegaanada ay ka taliso ka geysata dilalka toogashada noocaan oo kale ah ee la xariira toogashada dad ay ku eedeynayaan iney yihiin jaajuusiin la shaqeysa dowladdaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.