4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Saraakiil Ethiopian ah oo Garowe kawada kulamo dhinaca amniga ah
 

Isniin, Agoosto, 22, 2022 (HOL) - Saraakiil ciiddan oo ka socda wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya, ayaa gaaray magaalada Garoowe si ay Puntland uga wadahadlaan iskaashiga dhanka amniga.

Qunsulka guud ee Ethiopia u fadhiya Puntland, Dagnachew Yitbarek ayaa sheegay inay wafdigan Puntland u yimaadeen xoojinya la dagaalanka kooxaha Argigixisada, waxayna kulamo la qaateen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa, Axmed Karaash.

Wafdigaan sidoo kale ayaa maanta booqday xerada 54-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidamada Puntland, iyagoo la qaatay kulamo gaar ah oo albaabada u laaban yihiin.

Tan iyo markii Alshabaab ay weerareen dowlad deegaanka Soomaalida, Ethiopia waxay billowday inay dowlad goboleedyada u dirto saraakiil ciidan, kuwaas oo iskaashi dhinaca amniga lasoo yeesha dowlad goboleedyada.

Arrintaan ayaa kusoo aaday xilli xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uusan wanaagsanayn kadib markii madaxweynaha cusub Soomaaliya uu dalka Masar ku taageeray mowqifkeeda ku aadan muranka webiga Niil.

Xasan Sheikh oo safaro ku tagay dalalka deriska la ah Soomaaliya, weli booqasho kuma tegin dalka Ethiopia.