4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Alshabaab: Weerarka hotel Xayaat wuxuu jawaab u yahay hadalkii Xasan Sheikh ee ahaa Shabaab waan soo afjarayaa
 

Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen hotel Xayaat uu yahay jawaabta madaxweyne Xasan Sheikh oo dhowaan sheegay inay dowladdiisu soo afjarayso Alshabaab.

Afhayeenka Alshabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo hadlay wuxuu sheegay inay dowladda madaxweyne Xasan Sheikh tuseen awooddooda kadib markii ay weerareen hotel kuyaalla Muqdisho, halkaas oo weli laga saari la'yahay shabaabkii gudaha u galay.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in hotelka ay weerareen uu yahay meel lagasoo abaabulo shirqoolada ka dhanka ah Alshabaab. Wuxuu sheegay inay ku laayeen dad badan oo katirsan shaqaale iyo masuuuliyiin dowladda katirsan.

Dhinaca kale, war kale oo ay baahisay Alshabaab waxaa lagu sheegay inay si nabad galyo hotelka uga baxeen qaar kamid ah dagaalamayaashii Alshabaab ee gudaha u galay hotel Xayaat. Alshabaab waxay kaloo sheegeen in qaar kamid ah dagaalamayaasheeda ay ku harsan yihiin hotelka.

Masoo bandhigin caddeymo arrintaas ku aadan. Waxayse sheegeen inay weerarkaan u qorsheeyeen qaabab badan oo dagaalamayaasheedu kaga soo bixi karaan hotelka, loona diyaariyay meel ammaan ah.

Waxay tilmaameen inay 40 qof ku dileen gudaha hotelka iyo dhaawaca 70 kale. Waxay sheegeen inay weli dagaalamayaashoodu nool yihiin oo ay iska caabiyeen ciidamada huwanta ah.