4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2022
Iran oo ku gacan seyrtay inay hub sharci darro ah galiso Yemen iyo Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Iran ayaa beenisay inay hub sharci darro ah oo lagu taageerayo Xuutiyiinta geysay dalka Yemen, hubkaas oo la sheegay in lasoo marsiiyo badda Soomaaliya, sida ay horey u sheegeen hay’adaha UNka iyo kuwo kale.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Kanaani ayaa si adag u beeniyay warkaas, isagoo sheegay in Tehran aysan wax wada shaqayn ah la lahayn fallaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

"Taageerada Iran ay siiso dadka Yemen waxay ahayd mid siyaasadeed, iyo in Iran ay mar walba taageerto geeddi-socodka nabadda ee Yemen iyo sidoo kale dadaalka Qaramada Midoobay ee ah in si nabad ah lagu soo afjaro dagaalka Yemen, lana ilaaliyo nabadda Yemen," ayuu yiri Kanaani.

Dhowaan ayay ahayd markii warbaahinta Sacuudiga ee Al Carabiya ay baahisay muuqaal lagu arkay fallaagada Xuutiyiinta oo hub sharci darro ah oo Iran laga keenay ugasoo gudbay dhinaca biyaha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saareen Janaayo 2022, guddiga khubarada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in labo shixnadood oo hub ah oo ay qabteen ciidamada Mareykanka ay ka yimaadeen dekedda Jask- Iran.

Warbixintu waxay xustay in hubka laga helay caddeymo muujinaya in lagasoo raray kaydka hubka ee dawladda Iran, kuwaas oo lagusoo daabulay doomaha isaga goosha badda Carbeed, kuwaas oo hubka u qaada Yemen iyo Soomaaliya.