4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday dalka Jabuuti

 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa ku geeryooday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Marxuunka oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qabtay dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, ayaa u geeryooday sida ay wararku sheegayaan xanuun dhanka wadnaha ah. Waayadii dambe waxaa uu macallin ka ahaa jaamacadda Ummadda ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Wuxuuna booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii.

Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Bishii May ee sannadkii 1962-kii, Jaamac Maxamed Qaalib waxa loo magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Jaamac Maxamed Qaalib, waxa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed bishii February ee sannadkii 1970kii.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]