4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Cali Shacbaan Ibraahin oo noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagabowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo ka dhacday xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashada oo aheyd mid tartankeeda adag yahay ayaa dhexmartay labada Musharax ee kala ahaa Cali Shacbaan Ibraahin iyo Cabdixakiin Macalin Axmed oo isku soo taagay xilka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare, waxaana wareegii koowaad labada Musharax ay kala heleen 27 cod oo uu helay Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Cali Shacbaan Ibraahin oo isna helay 26, waxaa halaabay hal cod sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha KMG ee Aqalka Sare, islamarkaana sheegay in loo gudbayo wareeg labaad oo tartan ah.

Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaaka Soomaaliya ayaa ah hadii musharaxiinta tartamaysa midkood uusan helin 28 cod iney u gudbayaan tartan wareeg labaaad ah.

Wareegii labaad ee doorashada tartanka u dhaxeeyay labada Musharax waxaa kusoo baxay Senatar Cali Shacbaan Ibraahin oo ku guuleystay codad gaaraya 28 cod, halka Musharaxii kale Cabdixakiin Macalin Axmed uu helay 25 cod, waxaana halaabay hal cod kaliya.

Waxaa sidoo kale haatan bilaabatay doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, waxaana ku wada tartami doonona ilaa todobo musharax oo mid ka mid ah ay dumar tahay.

Lasoco natiijada doorashada guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka sare oo ah mid haatan si toos ah uga socota xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online