4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa nasiib daro ku tilmaamay qorshayaasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku doonayo inuu ku carqaladeyo doorashooyinka dalka oo ay u danbaysay weerarkii Xalay lagu qaaday gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada lagu dhaarinaayay Xildhibaanadii dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq.

Waxuu intaasi ku daray Madaxweynaha Jubbaland in lagula xisaabtami doono saraakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka heerka gabagabada ah maraya.

Axmed Madoobe ayaa ku amaanay gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka sida naf hurnimada leh oo ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka dalka.

Gabagabadii Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada Baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxalada adag, islamarkaana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo doorashooyinka gabagabada ah, isagoona  sheegay dib u dhac kasta oo yimaada in masuuliyadeeda ay qaadayaan saraakiisha ciidamada iyo madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili Xalay uu sheegay guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka in lagu soo weeraray goobta lagu dhaarinaayay 16-kii Xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online