4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Guddoomiyaha KMG ah ee barlamaanka Soomaaliya oo codsaday in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo doorashada guddoonka barlamaanka
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka Soomaaliya, Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) ayaa ka codsaday xidlhibaannada in la dadajiyo doorashada guddoonka barlamaanka, si uu dalka uga baxo sharciyad la’aanta hay’addaha dastuuriga ah.

Guddoomiyaha barlamaanka oo maanta shir guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee golaha shacabka ayaa waxaa la guda galay dhismaha guddiga doorashada guddoonka barlamaanka.

Dhabancad wuxuu sheegay in Soomaaliya uu saaran yahay cadaadis xooggan oo ku aadan in lagala laaban karo qorshaha dayn cafinta, haddii aan si degdeg ah doorashada loosoo gabagabayn.

Xildhibaannada ayaa ku diiday guddoomiyaha qorshe la xiriira inuu isagu soo magacaabo xubnaha guddiga doorashada. Wuxuu kadib xildhibaannada usoo bandhigay inay usoo gudbiyaan xubnaha danaynaya inay noqdaan guddiga doorashada doonaya.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in si rasmi usoo baxaan guddiga doorashada, kuwaas oo ka shaqeyndoona diyaarinta doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeennadiis.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online