4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2022
Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo miino kula qaraxday duleedka magaalada Baledweyne
 

Jimco, September, 9, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xujuub oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 10KM ayaa sheegaya in halkaasi miino kula qaraxday gaari dad shacab ah ay saarnaayeen.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa miino ee qabsaday gaariga ay sarnayeen dadka safarka ahaa, waxaana ku dhaawacmay ilaa shan ruux oo kale, kuwaas oo dhaawacyadooda la gaarisiiyay Isbitaalada magaalada Baledweyne.

Bilowgii bishaan ayay aheyd markii qaraxyo miino ay siyaabo kala duwan ugu dhinteen dad shacab ah oo gaaraya 10 ruux, kuwaas oo ku safraayay deegaanada u dhaxeeya Baledweyne iyo Maxaas, halkaas oo la sheegay in Al-shabaab miinooyin badan ay ku aaseen wadooyin muhiimka ee u dhaxeeya labadaasi magaalo, waxaana u dambeeyay qaraxii miino ee isbuucaan gudahiisa la kacay sadax wiil oo walaalo ahaa oo mid ka mid ah goobta qaraxa uu ku dhintay, iyadoo labada kalena dhaawacooda haatan lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala Baledweyne.

Deegaanada u dhaxeeya Baledweyne, Maxaas iyo Buulaburte waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay jiray dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada deegaanka ee la baxay dib u xureynta oo garab ka helayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan deegaanada qaar ee u dhaxeeya magaaloyinka Baledweyne, Maxaas iyo Buulaburte.