4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2022
Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gabilay
 

Jimco, September, 9, 2022 (HOL) - 2 qof ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Galloolay ee gobolka Gabilay ee Somaliland, 10:30 habeenimo ee xalay.

Shilka ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen baabuur noociisu yahay bas-caasi iyo baabuur wayn oo shamboo ah, dhaawaca iyo maydka shilkan ka dhashay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Gabilay.

"Xalay saacadu markay ahayd 10:30 kii habeenimo, waxa ka dhacay shil kaantaroolka Galloolay shishadeeda, waxa isku dhacay laba baabuur, baabuur abandhuule ah iyo baabuur shaamboo ah, waxa goobta ku dhintay 2 qof, 5 qofna way ku dhaawacmeen"  Taliyaha Ciidamada Wadooyinka Gabilay Cabdikariin Cabdirashiid Cabdillaahi, ayaa sida yidhi.

Taliyaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii ay dhibaatadu soo gaadhay ee dadku ka geeriyoodeen, kuwa dhaawaca ahna wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad sareeca ah siiyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]