4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2022
Shirkad sheegatay markab qamadi ah oo ay Yukrayn sheegtay in ay ku caawisay Soomaaliya
 

Khamiis, September, 8, 2022 (HOL) - Shirkada daqiiqda soo saarta ee Al-Wataniya oo Somaliland laga leeyahay, ayaa sheegtay in ay iyadu leedahay markab qamadi ah oo ay Yukrayn sheegtay in ay Soomaaliya ku caawisay.

Guddoomiyaha Shirkada Daqiiqda Al-Wataniya Axmed Faarax Xarbi, ayaa si kaduwan sida uu sheegay madaxweynaha Yukrayn Volodymyr Zelenskyy, sheegay in markabka qamadiga ah ay Al-Wataniya leedahay.

"War BBC sheegtay, oo ay ku sheegtay in qamadi mucaawimo ah Yukrayn usoo rartay Soomaaliya, warkaasi qamadiga lagu sheegay in uu Soomaaliya u socdo maaha war jira, waa qamadi imanaya Berbera oo ay shirkada Al-Wataniya leedahay" ayuu yidhi Xarbi.

Xarbi waxa uu sheegay in markabka qamadiga ahi aanu ahayn caawimo Soomaaliya loo wado ee uu yahay qamadi u socda shirkada Al-Wataniya, oo ay soo kasoo iibsadeen dalka Yukrayn.

"Markab kaasi wuxuu u sidaa shirkada 28,774 mitirig tan, oo qamadi ah, oo ay shirkadu soo iibsatay, waxanay qamadiga shirkadu LC kaga furatay bangiga East African Bank, loo yaqaano, ee Jabuuti dagan ee kamid ah Dahabshiil Group, mana aha mucaawino" ayuu yidhi Xarbi.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyay Arbacadii shalay ku sheegay in markab sida 28,600 oo tan oo qamadi ah, uu dhawaan soo gaadhi doono Soomaaliya, qamadigaas oo uu madaxweynuhu sheegay in wax lagaga qabanayo abaarta ka jirta dhulka Soomaaliya.

Hadaba, woxogaa kala duwanaansho ah ayaa jira marka la eego tirrada uu Zelenskyy sheegay oo ah 28,600 oo tan iyo tirrada uu Xarbi sheegay oo ah 28,774, waxaana u dhexeeya 174 tan, ilaa hadana si madaxbannaan looma xaqiijin hadii ay laba markab kala yihiin iyo hadii ay isku hal markab ka hadlayaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]