4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Dowladda Soomaaliya oo raadinaysa dhaqaalihii dib loogusoo celin lahaa ciidamada ku maqan Eritrea

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay inay caqabad ku tahay soo celinta kumannaanka askari ee ku maqnaa dalka Eritrea tan iyo markii ay soo dhameysteen tababar ciidan.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu wasiirku dowlaha ku sheegay in dowladdu ay weli baadi-goob ugu jirto dhaqaale, isagoo codsiyo u diray dalal dhowr ah oo ay saaxiibo yihiin oo ay ka codsadeen in la siiyo kaalmo dhaqaale oo awood u siinaysa inay soo celiso askarta iyo qalabeynta.

“Sidii uu horay u ballan qaaday Madaxweynaha, ciidamadaas waa la soo celinayaa, laakiin dib u dejintooda waxay u baahan tahay lacag badan, gaadiid, saldhigyo ciidan iyo qalab ay ku dagaallamaan,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Goor sii horeysay, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in Eritrea ay ka dalbatay madaxda Soomaaliya in ay bixiyaan 50 milyan oo doolar haddii askartaas dib loogu celinayo dalkooda. Inkastoo warkaas ay dowladdu markiiba beenisay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo bishii july booqasho ugu tagay ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Eritrea, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu si degdeg ah dalka ugusoo celiyo ciidamadan, si looga faaidaysto dib u xoraynta dalka iyo sugidda amniga.