12/5/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Nabadoon Cilmi Hagar oo ku geeriyooday dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay halkaasi in dadka ku dhintay uu ka mid noqday Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn caanka uga ahaa gobolka Hiiraan.

Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar  ayaa qeyb ka ahaa Nabadoonada hormuudka ka ahaa dagaalada u dhaxeeya ciidanka Macawiisleeyda Beesha Xawaadle iyo kuwa Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ka socday gobolka Hiiraan, islamarkaana Al-shabaab looga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnayeen bariga gobolka Hiiraan.

Al-shabaab oo dhawaan laga saaray deegaanka Ceel qooxle ayaa saakay waabarigii hore weerar culus oo ku bilaawday qaraxyo ku gashay gudaha deegaanka Ceel qooxle oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo u dhexmaray ciidamada dowlada iyo Macawiisleeyda oo dhinac iyo Al-shabaabkii soo weeraray deegaanka, inkastoo wali si faahfaahsan loo heynin khasaaraha rasmiga ee dagaalka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in la fashiliyay weerarka Al-shabaab saakay ay kusoo qaadeen deegaanka Ceel qooxle oo ay ku doonayeen iney gacanta ku dhigaan, islamarkaana jab xoogan ay gaarsiyeen ciidankii soo weeraray deegaanka.












Click here
9/29/2022 1:14 PM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay inay caqabad ku tahay soo celinta kumannaanka askari ee ku maqnaa dalka Eritrea tan iyo markii ay soo dhameysteen tababar ciidan.

9/29/2022 10:52 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan geeridii ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo uu sheegay inuu ka mid yahay halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday difaaca dalkooda iyo dadkooda.

9/29/2022 10:29 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.

9/29/2022 6:21 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal oo u dhow caasimada Hargaysa.

9/29/2022 6:03 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntland u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.

9/29/2022 3:39 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel qooxle oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidanka dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.

9/29/2022 3:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhigeeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

9/29/2022 1:06 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.