9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Hay'adda NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay ku dhawaad 10 qof oo aaday deegaannada Alshabaab
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay shaacisay in la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay  kooxda Alshabaab.

NiSA waxay sheegtay in tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayo cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay Alshabaab ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.

Dhinaca kale, Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay dadkan, ayaa ku sheegay inay yihiin todobo qof oo isugu jira nabadoono, haween iyo ganacsato, kuwaas oo tagay deegannada Alshabaab, kadib markii ay ajiibeen amar kasoo baxay kooxda Alshabaab.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in todobadaan qof farriin loosoo dhiibay islamarkaana ay jebiyeen go'aankii dowladda ee ahaa inaan loo tegi karin Alshabaab.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamadda qalabka sida, Maxamed Cabdullaahi Khaliif, ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagidooono, laguna qaadidoono shareecadda Islaamka. Wuxuu sheegay in la dambi yihiin Alshabaab dadka laynaya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh ayaa dhawaan ka digay in la adeeco awaamiirta Alshabaab. Isagoo sheegay in dowladda tallaabo ka qaadayso cid kasta oo Alshabaab danaheeda fulisa.

Soo qabashada dadkan ayaa kusoo aaday xilli qeybo badan oo kamid gobolada dalka uu ka socdo howlgallo Alshabaab looga xoraynayo deegaannada ay ku sugan yihiin.

15 sano kadib, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda ayaa Alshabaab ka xoreeyay deegaano badan muddo kooban gudaheed.













Click here
9/25/2022 4:40 PM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay kooxda Al shabaab ka qabsadeen wax ka badan 10 deegan oo ay maamulayeen 10 kii sano ee la so dhaafay.

9/25/2022 10:02 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino oo Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Halgan iyo Garasyaani uu ku geeriyooday Taliyahii saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Hiiraan Kornel Barre Ceyrow.

9/25/2022 8:42 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu kafiirsado hadaladiisa iyo ficiladiisa ku aadan Somaliland.

9/25/2022 7:19 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa sheegay in anay ogolayn in madaxweynaha Somaliland loo sameeyo muddo kordhin aan iyaga laga talo galin.

9/25/2022 3:59 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay saakay Al-shabaab kala wareegeen degmada Moqokori oo ka mid ah meelaha Shabaab ku awood badnayeen.

9/25/2022 3:37 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka inay Al-shabaab kala wareegeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Baay.

9/25/2022 3:05 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xerada Nacnaca oo ku taala degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2022 2:23 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan haweeney tacaddi ugeysatay gabadh yar, kadib markii muuqaal laga duubay lagu faafiyay baraha bulshada.

9/25/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - La-taliyaha amniga qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan qorshaha ugu jirin inay hubayso ciidamada Macaawisleyda ee qeybta weyn ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoraynayo Alshabaab.