10/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay in Xildhibaanka uu mudooyinkii dambe ku xanuunsanaayay gudaha magaalada Muqdisho.

Geeridda ku timid Xildhibaan Boorow waxaa ka tacsiyadeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow" Ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Marxuum Boorow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalka, Islamarkaana door weyn kulahaa dowlad dhiska dalka Soomaaliya, wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo qoyskiisa, Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow.












Click here
9/20/2022 1:07 PM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ururka ONLF ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka baxay ka qaybgalka shirkii wada tashi ee maalmo ka hor ku heshiiyeen xisbiyada degaanka in la qabto.

9/20/2022 11:19 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaano hoostaga degmada Buulaburte oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

9/20/2022 11:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiga Waddani ku eedaysay in aanu difaacin qaranimada Somaliland, waxayna soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo sababta.

9/20/2022 9:03 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Muna Xasan oo loo yaqaano Muno Axlaa, oo ah gabadh dhalliyaro ah oo arrimaha bulshada u dhaqdhaaqi jirtay, taasoo hadda dhibbane u ah waxyeello kasoo gaartay qalliin lagu sameeyay, ayaa dacwad ka gudbisay isbitaalka Yardemeli.

9/20/2022 8:36 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dagaal xoogan Al-shabaab ugala wareegay gacan ku heynta deegaanka Sinadhaqo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

9/20/2022 8:16 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland daandaansi dagaal, kadib markii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu tagay Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

9/20/2022 7:29 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xildhibaano tirradooda ku sheegay 46 xildhibaan, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kasoo horjeestay, wax ka badalkii uu goluhu shalay ku sameeyay xeerka doorashooyinka.

9/20/2022 5:11 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 45 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay goordhaw oo Maanta ah la wareegeen deegaankaasi.

9/20/2022 1:39 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ​​kala bar dadka Soomaaliyeed.

9/20/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgalo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.