10/1/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Quburada amniga oo ka digay adeegsiga Alshabaab ee diyaaradaha Droneska
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Kornayl David Peddle oo ah sarkaal howlgab ah oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada milateriga ee dalalka Koonfur Afrika iyo Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in kooxda Al Shabaab ay si aad ah u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones.

Sarkaalkan ayaa ka digay adeegsiga tignoolajiyada cusub inay Alshabaab si gaar ah uga faa'iideystan si ay u fududeeyaan weeraradooda iyo hannaankooda sirdoonka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Alshabaab gacanta ugu jira ayaa laga yaabaa in laga xaday kaydka ciidamada dalka Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in kooxdu ay adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn si ay u duubto weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Bishii Nofeembar 2021, hay'adda sirdoonka Soomaaliya; Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 6 diyaaradood oo nooca Drones-ka ah, oo uu lahaa Xildhibaan Zakariye oo katirsanaa barlamaankii hore.

Hay'addaha amniga ayaa sheegay in diyaaradaha la qabtay ay qaadi kareen in ka badan 30 Kiilogaram, waxaana ay la wadaageen wax la mid ah weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee fuliyeen Daacish iyo PKK.












Click here
9/16/2022 1:01 PM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Duqii hore ee degmada Garowe Axmed Barre ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aankii madaxweynaha Puntland uu ku kala diray golaha deegaanka ee Garowe, inkastoo uu aqbalay xil ka qaadistiisii.

9/16/2022 8:44 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayay shacabka Oodwayne, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu qabto doorashada madaxtooyada wakhtiga ugu horeeya ee ay suuragasho.

9/16/2022 8:31 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo burburinta xidhiidhka bilawga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

9/16/2022 8:23 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku galay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Waxayna ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay ku xaqiijinayaan nabadda iyo xasilloonida dalka Geeska Afrika..

9/16/2022 3:31 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka si looga fogaado in la dilo, waxayna dowladdu wacad ku martay in ay kordhin doonto weerarada ka dhanka ah Alshabaab.

9/16/2022 3:28 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya toddobaadka saliidda Afrika ee 2022 3-7 October, kaasoo ka dhacaya bartamaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/16/2022 2:41 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington, xoghayaha difaaca dalka Maraykanka, Lloyd James Austin.

9/16/2022 2:37 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay iska diwaangalinayaan xarunta Guddida Diwaangalinta Urrurada, si lamid ah urrurada cusub.