Hiiraan Online
1/9/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2022
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Saldhigii ugu weyna Al-shabaab ee gobolka Hiiraan
Khamiis, September, 15, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa Xalay howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq Aqable oo u dhaxeeya magaaloyinka Baledweye iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka Xalay ciidanka Danab ka fuliyeen Buq Aqable ayaa la sheegay in si gaar ah ciidanka u beegsadeen Saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen deegaankaasi oo ahaa Saldhiga ugu weyn ee Shabaab ku lahayeen gobolka Hiiraan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa Saldhiga ay beegsadeen ciidanka Kumaandooska Danab.
Taliye Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburiyay xarumo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaas ahaan 90 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne.
Deegaanka Buq Aqable ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab u ahaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay Saldhigooda ugu weyn oo ay ku lahayeen gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaani uu noqonaya kii ugu cusla ee mudadaasi ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyaan deegaankaasi.