4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2022
Madaxweynaha Masar oo sheegay inay Soomaaliya ka taageerayaan wax ka qabashada xagjirnimada
 

Sabti, September, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa xaqiijiyay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso caqabadaha hortaagan, gaar ahaan argagixisada iyo xagjirnimada, isagoo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Intii uu socday kulanka khadka taleefoonka, Sisi waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si loo dhiso loona mideeyo hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Masar.

Sisi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay diyaar u tahay in ay dhaqaajiso dhammaan noocyada iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo sidii loo tababari lahaa kaadiriinta farsamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay in la wanaajiyo isku xidhka iyo la tashiga Masar ee arrimaha kala duwan ee gobolka ee khuseeya labada dal iyo horumarinta xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya oo heer kasta ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka taariikhiga ah ee Masar ay ku leedahay taageerada Soomaaliya iyo taageerada dhinacyada kala duwan ee Masar ay siiso Soomaaliya.