4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2022
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo deeq kala duwan ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya
 

Sabti, September, 10, 2022 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa deeq kala duwan oo isugu jira Raashin, Shidaal iyo gaadiidka gurmadka degdega ah (Ambalaas) ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan, ee Soomaaliya.

Deeqdan ayay xukuumadda degaanka Soomaalidu ugu talo gashay Maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabkooda oo dagaal adag kula jira kooxda Al Shabaab, si ay uga caawiso howlgallada ay ku sugayaan amniga gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo soo gaarey magaalada Feerfeer ee gobolka Shabeelle ee degaanka Soomaalida, ayaa maamulka gobalka Shabelle ee dowlad degaanka Soomaalida kala wareegay gargaarkan, isagoo geesta kale uga mahad  celiyay madaxda sare ee dowlad degaanka Soomaalida sida ay u garab istaageen maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabkooda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Waa markii u horreysay ee deeq noocan oo kale ah Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida uu ugu deeqo gobolka Hiiraan oo maamulka gobolkaasi uu dagaal kula jiro kooxda Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, oo ay si wada jir ah u wadeen maamulka gobolkaas iyo shacabkooda, oo isu xil qaamay sugidda amniga gobolka Hiiraan.