4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2022
Ururada siyaasada Puntland oo sharuud ku xiray ka qeyb galka doorashooyinka dowladaha hoose
 

Arbaco, November, 30, 2022 (HOL) - Ururada siyaasada Puntland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka doorashooyinka soo socda Puntland, balse waxay ku xireen sharuudo ka horreeya doorashada oo haddii aan la fulin aysan qeyb ka ahayn.

Ururada siyaasada waxay dalbadeen in la dhameystiro xubnaha maxkamadda dastuuriga iyo in deegaannada doorashadu aysan ka dhici karin laga gaaro heshiis siyaasadeed ka hor inta aysan billaaaban diiwaan galinta.

Sidoo kale, ururada siyaasada ayaa dalbaday in la dhimo tirada xildhibaannada golaha deegaanka ee degmooyinka Puntland iyo sidoo kale in ururada mucaraadku ay qeyb ka helaan dakhliga maamulka iyo taageerada laga helo deeq bixiyaasha caalamka.

Qodobada kasoo baxay ururada siyaasada Puntland, waxay caqabad ku noqon karaan qorshaha madaxweyne Deni oo doonaya inuu waqti hore qabto doorashada dowladaha hoose.

Ururka muxaafidka ah ee madaxweyne Deni uu guddoomiyaha ka yahay oo la yiraahdo Kaah kama qeyb galin shirkan.