4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inuu isku day dil ah ka badbaaday Madaxweynahii hore ee dalkaas George W Bush

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa shaacisay in nin u dhashay wadanka Ciraaq oo magangalyo siyaasadeed weydiistay dowladda Mareykanka inuu qorsheeyay dilka madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Goleorge W. Bush.

Shihab Ahmed oo ah 52 sano jir ayaa u sheegay ruux la shaqeeya FBI-da dalka Mareykanka hayeeshee uusan ka war heynin, inuu doonayo in ilaa afar qof oo Ciraaqiyiin ah inuu usoo tahriibiyo Mareykanka si ay uga qeyb qaataan shirqoolka dilka ah, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan galisay Maxkamad Fedaraal oo ku taala magaalada Columbus ee dalka Mareykanka.

Laba ka mid raga shirqoolka fulin lahaa ayaa la sheegay iney ahayeen saraakiil horay uga tirsana Sirdoonka wadanka Ciraaq, iyadoo labada kalana la sheegay iney noqon lahayeen xubno ka tirsan Daacish ama koox fadhigeedu yahay dalka Qatar oo Shihab uu ku magacaabay Al-Raciid.

Shihab ayaa sidoo kale u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan madaxweyne hore George Bush oo ahaa shaqsigii amray duulaankii dalka Ciraaq lagu qaaday sanadkii 2003.

Ninka lagu magacaabo Shihab ayaa la xiray aroornimadii hore ee Maalintii Talaadada waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, inuu kaalin iyo gacan ka gaystay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah.

Shihab Axmed ayaa dalka Mareykanka ku tagay Vissa booqasho ahaa bishii Septembar ee sanadkii 2020-ka, waxuuna magan galyo dalbaday bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-ka, waxaana la tilmaamay inuu doonayay in uu dhaqaale badan ku bixiyo keenista dalka Mareykanka xubno ka tirsan qoykiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online