4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2022
Jigjiga : Magaalada Jigjiga oo maanta si wayn looga Ciiday

Isniin, May, 2, 2022 (HOL) - Waxaa maanta si wayn looga Ciiday caasimadda degaanka Soomaalida ee Jigjiga, dadka ayaa waxay isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga, si halkaa ugu tukadaan labada rakcadood ee Ciidul fidriga.

Munaasabada ciidda ayaa waxaa shacabka kala soo qayb galay Madaxwayne Mustafe iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda, sidoo kale Madaxda u sarreysa dhanka Arrimaha Islaamka ayaa iyaguna shacabka kala qayb qaatay munaasabadda Ciidda.

Intii lagu guda jiray munaasabadda Ciidda ayaa waxaa dadkii kasoo qayb galay salaadda Ciidda, hadallo kooban usoo jeediyay Madaxwayne Mustafe cagjar, oo shacabka ku booriyay in sidii Ramadaanta masaakiinta wax loogu qabanayay haddana loogu sii qabto, maadaama mismiinku uusan wakhti go'an lahayn.

Ciiddan oo ahayd mid amnigeeda loogu sugay si aan horey loo arag, ayaa waxay munaasabaddii Ciiddu kusoo dhammaatay waji farxad leh, oo Nabadi ku dheehan tahay.

Ciiddan ayaa kusoo hagaagtay xilli dadku abaar ku jiro, roobabkii guguna uusan wali sifiican degaanka uga curan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]