1/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Guddiga loo xilsaaray xaaladda gobolka Gedo oo soo gabagabeeyay wada hadalo ay Kismaayo u joogeen
 

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaarreey.

Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii oo ay gaareen magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynen ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan,  xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiintaiyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga oo uu hoggaaminayo la taliyaha dhinaca sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Avv.Cumar Maxamed Cabdulle ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda  guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa la filayaa in ay ku soo noqdaan Muqdisho, si ay warbixinta socdaalkooda ula wadaagaan Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana qorshuhu yahay in ay sidoo kale tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto Garbahaarreey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online