1/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska xildhibaan Aamina Maxamed
 

Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Tiina Intelmann oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayaa tacsi u dirtay qoyska xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo kamid aheyd dadkii xalay ku dhintay labadii qarax ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Rabshadaha ma ahan wado horay u wadeysa dalka Soomaaliya. Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa dilalka ku saleysan siyaasadda”, ayey tiri iyada oo u tacsiyadeeysay qoyska xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Ugu 10 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxyadii ka dhacay magaalada, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxyada waxaa mas’uuliyadooda sheegtay kooxda al Shabaab.

Xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul iyo xildhibaan Aamina Maxamed, ayaa kamid ah siyaasiyiintii ilaa iyo hadda la xaqiijiyay geeridooda, halka ay jiraan kuwo kale oo waxyeelo soo gaartay oo aan ilaa iyo hadda la shaacinin magacyadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si isku mid ah u cambareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beledweyne, iyagoona tacsi u diray dhammaan dadka dhintay, gaar ahaan xildhibaan Aamina Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adaha amniga inay baaritan rasmi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falka arxan-darrada ah ee lagu dilay xildhibaannada.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]