4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo galabta u dhoofay dalka Eritrea

Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa galabta u dhoofay dalka Eritrea, halkaas oo muddo ka badan labo sano ay ku sugan yihiin, shan kun oo askari oo dowladdii hore ay tababar ugu dirtay dalkaas.

Madaxtootayda Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumad ka helay madaxweynaha Eritrea, si ay uga wada hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya waxaa aad loo filayaa inuu qeyb weyn ka yahay ukuur galka xaaladda ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritea iyo sidii dalka dib loogusoo celin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan xogta ciidamadan kala wareegay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in si degdeg ah ciidamadan dalka dib loogusoo celin doono, si ay uga qeyb qaataan dib u xorraynta deegaannada Shabaab.

Tan iyo markii ciidamadan loo qaaday dalka Eritrea, waxaa muddo kadib soo baxday warar ku saabsan inay ciidamadan ka qeyb qaateen dagaalkii waqooyiga Itoobiya.