4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 9 , 2022
Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika oo kor uqaadaya taageerada saadka howlgalka ATMIS
 

Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay wadahadallo la isku waafajinayo taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika si loo fududeeyo jawaabta ciidamada ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada ATMIS, Diomede Ndegeya ayaa sheegay, in howlgalka Midowga Afrika uu u baahan yahay in si hufan uu u helo sahayda iyo gaarsiinta agabka muhiimka ah joogteynta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

ATMIS waxa ay sheegtay in kulanka oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen wakiillo ka socday QM iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, looga golleeyahay in la isku waafajiyo taageerada howlgalka ATMIS.

Waxaa kaloo qorshahan qeyb ka ah qaabka lagu hagayo hirgelinta in si tartiib tartiib ah xilalka amniga loogu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya iyo ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidamada midowga Afrika.